Madaxweynaha Dalka Sudan Cumar Al Bashir Oo Baneeyey Xilka Guddoomiyaha Xisbi Xaakimka

Khartuum(OWN)-Madaxweynaha Dalka Sudan Gen.Cumar Al Bashiir ayaa la sheegay inuu ka degay xilkii uu hayey ee Guddoomiyaha Xisbi Xaakimka ka taliya dalkaasi ee National Congress Party.

Xilka Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu qaban doono Guddoomiye kuxigeenka Xisbigaasi Axmed Harun oo xilka kuxigeenka loo magacaabay asbuucii lasoo dhaafay kaasi oo xilkaasi sii heyn doona illaa shirweynaha Xisbigaasi, walow aan la shaacin xiliga la qaban doono shirweynahaasi.

Warbaahinta dowlada Sudan ayaa sheegtay in Madaxweyne Cumar uu hada wakhtigiisa siin doono oo kaliya hawlaha Qaranka horyaal.

Xukuumada Sudan ayaa la tacaaleysa mudaharaadyada shacabka dalkaasi dhigayeen bilihii lasoo dhaafay, dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ee Feberaayo ayey xukuumada gebi ahaan mamnuucday inay shacabka dhigaan isu-soo-bax.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker