Rabshado dhimasho sababay oo ka dhacay Jakarta

 

Duqa caasimadda dalka Indonesia ee Jakarta ayaa sheegaya in ugu yaraan lix qof ay dhinteen maanta kadib isku dhac dhex maray taageerayaasha Prabowo Subianto, oo ah generaal hore uu ku guul darreystay doorashadii ka dhacday Indonesia, iyo ciidamada ammaanka.

Dibad baxayaasha ayaa diiday in ay kala tagaan markii ay ciidamada booliska isku dayeen inay sidaasi ku qanciyaan, iyaga oo u sheegayay in ay tahay bil Ramadaan oo ay tahay inay iska ilaaliyaan inay rabshado geystaan inta lagu jiro bishan barakaysan.

Dibadbaxayaasha ayaa xataa dab qabadsiiyay goobo iyo gaadiid ay boolisku leeyihiin. Booliska ayaa ugu dambeyntii u adeegsaday dadkii mudaaharaadka dhigayay gaaska dadka ilmada ka keena, si loo kala diro.

Afhayeenka Booliska Qaranka, Dedi Prasetyo ayaa u sheegay VOA-da in dibad baxayadu ay habeenkii Talaadadii isu rogeen rabshado, kuwaas oo socday ilaa Arbacada maanta ah. Tobaneeyo qof ayaa la xir xiray.

Guddoomiyaha Gobolka Jakarta, Anies Baswedan ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in in ka badan 200 oo qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker