Dagaal u dhaxeeya Soomaalid iyo Oromada oo ka dhacay Qolaji

Wararka laga helayo dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in shalay uu dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada deegaanka Oromada iyo kuwa deegaanka Soomaalida kaas oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Qolaji.

Faahfaahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha dagaalka ka dhashay iyo waxa uu salka ku hayo, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka oo saacado qaatay uu gaystay khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Deegaanka Qolaji waa deegaan ay ku suganyihiin boqollaal barakacayaal ah Soomaali ah oo horey uga barakacay dagaallo dhex maray Oromada iyo Soomaalida.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker