Xasan Sheekh oo billadda ugu sarraysa dalka guddoonsiiyay madaxweyne Geelle

Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay billad-sharafta ugu sarreysa dalka guddoonsiiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kadib xaflad ka dhacay madaxtooyada Villa Soomaaliya.

“Caawa, waa habeen taariikhi ah iyo fursad aan kor ugu qaadeyno walaalnimadeenna. Wiilku si kasta oo uu u dadaalo aabihiis uma abaal gudikaro, inaguna sidaas oo kale ma gudikarno abaalka iyo kaalinta lama illaawaan ee ay noo galeen walaalaheenna Jabuuti.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sheegay in madaxweyne Geelle uu ku muteystay billaddan ‘kaalintiisa dowlad-dhiska iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.’

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mahadceliyay billada qaran ayaa sheegay ‘inay muhiim tahay in la xoojiyo isku-duubnimada shacabka Soomaaliyeed si looga gudbo caqabada ku xeeran hirgalinta iyo himmilooyinka labada dal iyo shacab ee walaalaha ah.”

Madaxweyne Geelle ayaa booqasha rasmi ah ku joogay Soomaaliya labadii maalmood ee lasoo dhaafay, isaga shalayna ka hor hadlay kulanka wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker