Maxaa kusoo kordhay buufintii Shiinaha ee uu Mareykanku soo riday?

Hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa baaritaankooda kusoo gabagabeeyey in buufintii looga shakisanaa howlaha basaasnimada Shiinaha oo dhawaan soo dulmartay Maraykanka ay qayb ka aheyd barnaamij ballaaran oo basaasnimo ay oo wadaan ciidamada Shiinaha.

Xiriirka ka dhexeeya buufintan iyo ciiidamada Shiinaha ayaa markii ugu horaysay Talaadadii waxaa qoray wargeyska Washington Post, kadibna waxaa xaqiijiyay shabakada wararka ee CNN ee fadhigeedu yahay Maraykanka. Buufintan ayaa qayb ka ah diyaarado aan cidina wadin oo kasoo duula gobolka Hainan ee xeebta koonfureed ee Shiinaha.

Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil badan oo Maraykan ah oo aan la magacaabin ayaa sheegay in barnaamijka Shiinuhu uu basaasnimo kusoo sameeyay dalalka iyo gobollo ay danaynayaan istaraatiijiyad ahaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Japan, India, Vietnam, Taiwan iyo Philippines.

Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Wendy Sherman ayaa barnaamijkan uga warbixisay ilaa 150 diblomaasiyiin shisheeye ah oo ku kala sugan 40 safaaradood.

Diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa Sabtidii soo ridday buufintan, xilli ay dul heehaabeysay badweynta Atlaantigga ee xeebta South Carolina.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in buufintaas ay ahayd mid sahan ah, waxaana ay duullimaadkaas ku tilmaameen “xad-gudub ka dhan aha madax-bannaanida Mareykanka oo aan la aqbali karin” oo uu Shiinuhu ku sameeyay.

Beijing ayaa ku adkaysatay in buufintan ay aheyd duulimaad cilmi-baaris rayid ah oo si khalad ah ugu ambatay hawada Maraykanka.

TV-ga CNN ayaa ku warameya in buufinta lasoo riday ay baarayaan koox sare oo farsamo-yaqaanno iyo injineerro ah oo jooga xarunta tababarka FBI-da ee Quantico ee gobolka Virginia.

Soogelidda hawada Mareykanka ee buufinta ayaa keentay in xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Anthony Blinken uu baajiyo booqasho la wada sugayey oo uu ku tagi lahaa magaalada Beijing, taas oo ujeedadiisu ahayd in lagu wanaajiyo xiriirka ka dhexeeya labada waddan ee ugu weyn dhaqaalaha adduunkaa, kaas oo xumaaday sannadihii ugu dambeeyay.

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa sheegay Talaadadii in Shiinuhu diiday codsi uga yimid Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin oo ahaa inuu la hadlo dhiggiisa Shiinaha, Wei Fenghe, tan iyo markii buufintan lasoo riday.

 

Qaar ka mid ah macluumaadka ku jira warbixintan waxaan kasoo xiganay Reuters.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker