Dalka Colombia Eey ay booliiska isticmaalaan Oo Madixiisa Ladul Saaray $70 kun doolar Si Loo Dilo.

Eay ku nool dalka Colombia oo si wanaagsan loogu tabobaray in uu uriyo daroogada ayaa naftiisa loo baqayaa kadib markii koox maafiyo ah oo daroogada ka ganacsada ay madixiisa dul saareen $70 kun doolar haddii lasoo dilo.

Waxa ay doonayaan in ay kaga aargoostaan maadaamaa uu qabtay daroogo dhan 10 tan oo ay lahayd kooxdan UrabeƱos.

Hanjabaadan ayaa dowladda ku qasabtay in ay Eeyga ay u wareejiso garoonka magaalada caasimadda ah ee Bagota, halkaas oo loo arko meel uu ku bad gali karo.

Booliiska waxa ay sheegeen in illaalo dheeraad ah lagu daray Eeyga marka laga tago qofka caadi ahaan gacanta ugu haya.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker