1 milyan oo doolar oo la siinayo qofkii caddeeya in lagu shubtay doorashada Mareykanka

Siyaasi ku sugan gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa sheegay inuu lacag dhan ilaa $1milyan (£750,000) siin doono qof walba oo keena xog ku saabsan in la musuqmaasuqay doorashadii Mareykanka, haddiiba xogtaas awgeed dad loo xidho.

“Dadka macluumaadka xasaasiga ah haya iyo kuwa tilmaami karaba waa inay laamaha sharciga u yimaadaan,” ayuu yidhi barasaabka Texas, Dan Patrick, oo bayaan soo saaray sida uu shaaciyay telefishinka CBS News.

“Qof walba oo soo gudbiya macluumaad horseedi kara in la xiro oo la xukumo dad wax isdabamarin sameeyay waxaa lagu abaalmarin doonaa ugu yaraan $25,000,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Donald Trump ayaa ku gacan seyray inuu aqbalo guushii uu Joe Biden kasoo hoyiyay doorashada, wuxuuna sheegay in la musuqmaasuqa codadka, inkastoo uusan wax caddeyn ah soo bandhigin.

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, William Barr, ayaa oggolaaday in dacwad oogeyaasha federaalku ay baaraan arrimo sharcidarro ah oo ka dhacay doorashada madaxweynaha.

Patrick wuxuu sheegay in lacagta uu ku yaboohay ay ka imaan doonto dhaqaalaha ololihiisii doorashada, si uu “u garab istaago” Trump. Wuxuu intaas ku daray inuu doonayo waxa uu ugu yeeray “sidii loo xaqiijin lahaa in qof walba codkiisa si sharciga waafaqsan loo tiriyo”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker