Muqdisho oo Lagu dooranay shirgudoonka Aqalka Sare ee Somaliya

Muqdisho ( OWN ) – Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka dhacdo doorashada guddoomiyaha cusub ee Aqalka Sare iyo labadiisa ku xigeen.

Waxaa saacadahii lasoo dhaafay si weyn looga dhex dareemaayay magaalada Muqdisho dadaalo kala duwan ay sameynayaan Musharaxiinta u taagan u tartamida xilka guddoonka iyo labadiisa ku xigeen oo ay ku kala xodxodanayaan Senatarada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka Aqalka Sare Senatar Aadan Cabdinaasir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guddigooda ay u diyaar garoobeen qabashada doorashada guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in haatan ay gaadheen hoolka lagu dooranaayo guddoonka Aqalka sare xubno ka tirsan guddiga doorashada iyo saraakiisha amniga goobta lagu qabanaayo doorashada oo ah Teendhada Afisyooni.

Doorashada Aqalka sare ayaa hadii ay Maanta qabsoonto waxay soo afjareysa bilooyin badan kadib in Senatarada Aqalka Sare ay yeeshaan guddoon cusub oo rasmi ah, waxaana sidoo kale la filayaa in maalinta berito ah Muqdisho lagi qabto doorashada guddoonka Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker