Ciidanka Kenya Oo Burburiyey Xarunta Isgaadhsiinta Shirkada Hormuud. + (Sawiro)

Iyada oo ay weli sii socoto Burburinta Ciidanka Kenya ay ku hayaan Xarumaha Shirkadaha isgaadhsiinta Soomaaliya ee Gobollada Jubbooyinka & Gedo ayay ciidamada Kenya waxay mar labaad bur buriyeen xarun ku taalla deegaanka Jaldeyse oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee maamul goboleedka Jubaland.

 

 

Ciidamada Kenya ayaa burburinta Xarumaha u Adeegsaday miinooyin waa weyn, iyadoo ay bur bureen Tower-adii dhismihii shirkadda iyo dhammaan agabkii isgaarsiineed oo ay ku shaqeyneysay xarunta oo ka koobnaa qalabkii isgaarsiinta, motooro iyo gawaadhi.

 

Waxaa hadda hawada ka maqan isgaarsiintii deegaanka Jaldeys, iyo Tuulooyinka hoos yimaada iyadoo uu hakad galay isticmaalka adeeggayada muhimka u ah isu socodka bulshada sida igaarsiinta, EVC Plus-ka iyo kuwo kale ay dadka noloshoodu ku tiirsaneyd arrintaas oo sababi karta barakac ku yimaada dadka ku nool deeganadaasi.

 

Dadka deegaanka ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in ciidanka Kenya oo wata gawaarida dagaalka ay burburiyeen xarunta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leheyd deegaankaas, iyagoona baaq u diray Dowladda Soomaaliya in ay arrintan wax ka qabtaan.

 

Ciidanka Kenya ayaa sanadihii la soo dhaafay burburin sharci darro ah ku hayey Xarumaha shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud sida: Jaldeys, Cali Buley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley iyo Dhamase oo ka kala tirsan Gobollada Jubboyinka iyo Gedo.​

12 xarumood ay leedahay shirkadda Hormuud Telecom ayay horey ciidmaada Kenya u burburiyen, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Kenya ay arrintaan uga hadlayaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker