Hogamiyaha Senegal oo xaqiijiyay taariikhda uu xilka ka dagayo

Madaxweynaha Senegal ayaa xaqiijiyay in uu xilka iska casili doono marka uu waqtigiisu ku ekaado 2da April.

Qoraal uu soo dhigay X, oo hore loogu yiqiin Twitter, ayuu Madaxweyne Sall ku xusay in “wada-hadal qaran” uu ku baaqay in doorashada la qabto 2-da Juun.

Taariikhdan lama xaqiijin “Bixitaankiiygu waa dhab oo wan bixi doona” ayuu yiri.

Ma cadda cidda hogaamin doonta dalka ka dib markii Mr Sall uu xilka ka dago.

Doorashada ayaa ku beegneyd 25-ka bishan February balse madaxweynaha ayaa isku dayay in uu dib u dhigo doorashada ilaa bisha December, si xal looga gaaro khilaafka ka dhashay xaq u yeelashada musharaxiinta kale.

Tani waxay keentay mudaaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay guud ahaan dalka xasiloon ee galbeedka Afrika ku yaalla.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker