Maayirka Hargeysa iyo Xeerkii Saksooniya

Sharcigu Ha Sareeyo Weedhani waxay tilmaamaysaa in dalka iyo dadka Xeerku xukumo
se aanu qof xukumin Muwaadiniintu inay u siman denbiyada ay galaan Somaliland

Cabdi waa MUWAADIN dhalinyaro ah ku eedaysan inuu laaluush qaatay iyo ku tagri fal xil uu hayay wuu QIRTAY xukunkii marka uu dhacay wuxu yidhi “Xeerku Aniga Iyo Maayirka Hargeysa Si Hanoo Wada Qabto” !!!

Waxa igu soo dhacay XEERKII SAKSOONIYA saksooniya waa gobol ka mid ah dalka jarmalka 600 Sano ka hor waxa jiray xeer u gaar ah Gobalka wuxuu u dhignaa sidan “Hadii uu Muwaadinku denbi galo in xeerka lagu qaado mawaadinka (baahan) markuu wax dilo Qoorta laga gooyo , Muwaadinka Xil Haya ama Hantiile ah haduu waxa dilo Hadhkiisa Qoorta laga gooyo, sidoo kale ka baahani haduu wax xado in jeedal lagu karbaashoka Hantida leh ama Xil Haya haduu wax xado hadhkiisa jeedal lagu karaasho

 

Fiiro Gaar ah : Hay’adda Garsoorku waxaan qirayaa in ay inta itaalkeed Cadaaladda ilaaliso shaqadeedu waa intaa waanay ka soo baxday

Maqaalo Taxane ah oo hordhac u ah Dawladda Hoose Hargeysa oo aan ugu hiilinaayo Muwaadinka dulman ee Caasimada ku nool

 

Alaahu Hal-Balaqtu Fashhad

 

Maxamed Xoosh

shabcuuno@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker