Dowlada Soomaaliya Oo Joojisay Barnaamij Si Gaara Lacag Loogu Siin Jiray Somaliland

Muqdisho(OWN)- Dowladda Soomaaliya ayaa ka soo horjeesatay in barnaamijka hiigsiga cusub ee (New Deal) si gaara loola macaamilo  Somaliland oo sheegta inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale.

 

 

Qoraal ka soo baxay Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ku taariikhaysnaa 9 bishan June ayaa lagaga codsaday maal-galiyaasha barnaamijkan inaan markan si gooni ah loola macaamilin Somaliland ee si toos ah loo soo mariyo dowladda federaalka Soomaaliya.

 

 

Barnaamijkan cusub ee (New Deal) oo bilaabmay sanadkii 2013-kii ayaa ku ekaa dhamaadkii 2016-kii, waxaana hadda qorshuhu yahay in dib loo cusboonaysiiyo.

 

 

Barnaamijkaas horey Somaliland loola macaamili jiray si gaara, balse hadda dowladda federaraalka Soomaaliya ayaa wada in la macaamilidaas la joojiyo.

 

Dalka Belgeum oo ay ku taalla xarunta Midowga Yurub ayaa bishan June dhamaadkeeda lagu qaban doonaa shir caalami ah oo logu cusboonaysiinayo baarnaamijka hiigsiga cusub (New Deal).

 

Waxaa shirkaas ka qeyb gali doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker