19 Ruux oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Warshad ku Taala Dalka Shiinaha.

Qarax ka dhacay xarun warshado oo ku taalla gobolka Sichuan ee dalka Shiinaha ayaa sababay in ay dhintaan 19 ruux ayna ku dhaawacmaan 12 kale, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda ee Xinhua.

Masuuliyiinta deegaanka Jiang’an ee uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay warshad kiimiko oo ay gacanta ku hayso Yibin Hengda Technology, sida ay tabisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sawirro la soo dhigay baraha ay bulshadu ku xiriirto ee dalka Shiinaha ayaa muujiyay dab wayn iyo uuro cirka isku shareertay oo ka kacay dhismaha warshada.

Ma cadda waxa sababay qaraxa.

Arrintan ayaase timid iyadoo ay dalka Shiinaha horay uga dhaceen masiibooyin ka dhashay shirkado kiimikooyinka sameeya.

Sannadkii 2015kii, 173 ruux ayaa ku dhintay qarax ka dhacay xarun warshadeed oo ku taalla magaalo xeebeedka Tianjin ee dhacda waqooyiga bari ee Shiinaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker