Shaqsiyaad U Adeega Shirkadda ASLI MAYDI Oo Dhagax Lagaga saaray Degmada Goof Ee Koonfurta Ceerigaabo.

 

 

Ceerigaabo(OWN) Xubno Isugu jirey Madax-dhaqameed iyo Waxgaad kale oo muddooyinkii ugu danbeeyeyba si gaar ah ugu adeegayey Shirkadda ASLI MAYDI kana soo jeeda bulshada kudhaqan magaalada Ceerigaabo ayaa iyagoo subaxnimadii manta magaalada Ceerigaabo uga ambabaxay dhinaca koonfureed  gaar ahaan degmada Goof oo ah degaanka ay fadhiidsinnada ku leeyihiin Ciidammada Col-Caarre waxa bulshada degaankaasi kala hortageen kacdoon ay ku diiddan yihiin iyo dhagax-tuur.

 

Waxana wararku ntaas ku darayaan in baabuurtii kooxdaasi wadatey qaarkood dhagxaantaasi muraayadaha dhaawacyo ka gaadhsiiyeen kaddibna iyagoo aan wax wada hadal ahi u kala bixin iyaga iyo bulshada degaankaas ay kooxdaasi dhinaca magaalada Ceerigaabodib ugu soo boqooleen.

 

Kooxdan Shirkadda ASLI MAYDI dabada ka riixayso oo qayb ka ahaa wefti isugu jirey Badhasaabka G/Sanaag, Maayarka Degmada Ceerigaabo iyo xubno kale oo isla subaxnimadii saaka halkaas u tegey si ay Wada-hadal uga dhex bilaabaan Col-Caarre iyo Madaxda sare ee Xukuumadda Somaliland ku hungoobey ujeeddadoodaas ayaa u muuqda inay weji-gabax kala kulmeen bulshada degaankaas, taasoo muujinaysa in bulshadu si weyn ugasoo horjeedaan xubnahan ku shaqaynaya siyaasadda ay hagayso Shirkadda ASLI MAYDI.

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker