Yurub Oo Rajaynaysa In Xal Waara Laga Gaadho Dagaalka Liibiya
Hogaamiyeyaasha Wadamada Yurub ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay Xabad joojin rasmi ah oo laga gaadho Colaada sokeeye ee ka Taagan dalka Liibiya.
Qaar ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa Shirka dib u Heshiisiinta Liibiya oo ka furmay ka Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in ay rajeynayaan heshiis buuxa in ay gaadhaan garabyada ku loolamaya siyaasada iyo Awooda Libya .
Shirkan oo ay soo Qaban qaabisay Dowlada Jarmalka ayaa lagu Casuumay Ra’isul Wasaaraha Libya Fayes Al-Siraaj iyo Hogaamiyaha mucaaradka ee Haysra dhanka bariga Janaraal Khaliifa Xaftar.
Tan iyo markii ay Burburtay Xukuumadii uu Hogaamin jiray Corneyl Mucammar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii ayaa dalkan hodanka ku ah saliida wuxuu Madaxa la galay dagaal Sokeeye oo laba u kala qeybiyay Liibiya.