Urur Goboleedka IGAD oo kulan ka yeeshay sidii wax looga qaban lahaa cunto yarida Geeska Afrika

Wadamada Urur-gobboleedka IGAD iyo bahwadaagtooda taageera ayaa soo saaray baaq ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa cunto yarida ka dhalatay abaaraha iyo roob la aanta ku dhufatay wadamada Urur-gobboleedka IGAD.

Warmurtiyaad ay soo saareen Madaxda IGAD kadib ay shir ay ku yeesheen magaalada Nairobi ayaa waxaa ay sheegeen in inka badan 10 million oo caruur ah ay qarka u saran yihiin inay u geeriyoodaan nafaqo darro ka dhalatay cunto la aanta ka jirta Wadamada IGAD.

halka in ka badan 300,000 oo qofna ay halis ugu jiraan in ay u dhintaan gaajo.

Daraasadan oo ay soo diyaarisay urur goboleedka IGADd ayaa ka digtay in cunta yarida ay kasii dari doonto hadii roobabku ay baaqdaan.

Agaasimaha fulinta ee Igad Workneh Gebeyehu ayaa intaa ku daray in colaadaha ka jira gobolka ay hakad galiyeen wax soo saarkii cuntada, taas oo uga sii dartay dhibaatada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker