Jacaylkii Daraamandar iyo Hema Malini ku jiiday inay Islaamaan

Daraamatar (Dharam Singh Deol) iyo Hema Malini waxay markii ugu horreysay ku kulmeen halkii lagu duubayay filimka Tum Haseen Main Jawan sanadkii 1970kii.

Filimkan oo magaciisu noqonayo’Waad qurux badan tahay, Annigu na waan da’a yar baan ahay’ayaa markale dib loo duubay sanadkii 1999kii. Daraamatar iyo Hema labaduba waxay ahaayeen xiddigaha filimka hormuudka u ah, halkaas ayuu jaceylkooda ka bilowday inta ay socotay duubista filimka, jaceylkaas oo u horseeday inay Islaamnimo isku guursadaan.

Dad yar ayaa ogsoon in labada jilaa ee caanka ah ee u dhashay Hindiya, (Dharmendra) Daraamandar iyo Hema Malini ay soo islaameen muddo 44 sano laga joogo. Sababta ay u islaameen ayaa waxay ahayd jacayl xad dhaaf ah oo dhex maray labadaas jilaa.

Taageerayaashooda ayey ka yaabsadeen markii 1979 ay labadoodaba qateen diinta Islaamka si ay jacaylkooda uga guul-gaaraan oo isu guursadaan. Jacaylkaas ayaa soo billowday markii ay wada sameeyeen filimka ‘Sholay’ ee la soo bandhigay 1975kii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker