Waa Maxay Sababta ay Ilhaan Cumar kuu dooratay inay Safarkeeda Africa ka bilawdo Jamhuuriyada jabouti +Sawirada

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Senator Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka wakiilada ee dalka Maraykanka taas oo booqanaysa wadamo ka tirsan qaarada Afrika.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xafiiskiisa wada hadal kula yeeshay xildhibaan Ilhaan Cumar, waxaanay ka wada hadleen xidhiidhka u dhaxeeya maraykanka iyo Jabuuti, waxaanu madaxweynaha Jabuuti ugu hambalyeeyey xildhibaan Ilhaan horumarka ay ka gaadhay siyaasada dalka maraykanka.

Ilhan Omar oo booqasho gaaban ku joogta dalka Jabuuti ayaa sidoo kale ka qeyb gashay xaflad soo dhoweyn ah oo xalay magaalada Jabuuti ay ugu sameeyeen haweenka dalkaasi, waxaana Ilhan oo hadal ka jeedisay munaasabadaas ayb haweenka Jabuuti ku amaantay kaalinta firfircoon ee ay kaga jiraan siyaasada iyo maamulka dalkooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker