Sida raad faro oo warqad looga tagay ay boolisku ugusoo heleen gabadhan yar ee la afduubtay

Gabar la la’aa ayaa la helay iyadoo bedqabta ka dib markii ay booliisku isticmaaleen raadka faraha looga tagay warqad madax furasho ah si ay u soo qabtaan afduubteyaasha.

Charlotte Sena, oo 9 jir ah, ayaa lagu waayay New York Sabtidii xilli ay baaskiilkeeda wataday , taasoo keentay in boqolaal qof ay 48 saacadood ka qayb qaataan baadi goobkeeda.

Warqad madaxfurasho ah ayaa markii dambe la geeyay guriga qoyska, waxaana saraakiishu ay sheegeen in ay ka heleen raadka faraha tuhmanaha.

Booliska ayaa markaas ogaaday in tuhmanuhu uu ku jiro keydka booliska isaga oo noqday qof 1999kii lagusoo qabtay isaga oo cabsan misna gaari wada.

Waxa uu ku sugnaa guri ay hooyadii lahayd oo la xidhay mar hore.

“Kadib xoogaa iska caabin ah oo uu isku dayey tuhmanaha ayaa xabsiga loo taxaabay, isla markiiba inanta yar waxaa laga dhex helay armaajo lagu xiray,” Badhasaabka New York Kathy Hochul ayaa sidaas ku sheegtay shir jaraa’id oo ay qabatay habeenimadii Isniinta. “Waxay ogaatay gabadhu in la soo badbaadinayo, way ogayd inay ku jirto gacmo ammaan ah.

“Waxa dhacay waxay ahaayeen wax aan caadi ahayn,” ayay tidhi.

Guddoomiyaha ayaa eedeysanaha ku sheegay Craig Nelson Ross Jr, oo 47 jir ah, waxaana uu sheegay in weli su’aalo la weydiinayo. Booliiska ayaa sheegay in baaritaanku uu wali socdo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker