Alshabaab Oo Weerartay Dagmooyinka Lamu Iyo Garsen Ee Gobolka NFD

Warbaahinta gudaha Kenya ayaa ku waramaya in koox lagu tuhmayo iney Al-Shabaab ka tirsanaayeen ay magaalada Milihoi ee ku taala wadada isku xidha Lamu iyo Garsen ku gubeen laba ka tirsan gaadiidka ka qeybgalaya dhismaha wadadaasi.

Taliyaha ciidamada booliska ee Lamu Irungu Macharia ayaa weerarkan u xaqiijiyay warbaahinta The Citizen ee dalka Kenya isaga oo sheegay in ciidamada booliska iyo kooxaha hubeysan ay is rasaaseeyeen ka hor inta aaney maleyshiyaadka Al-Shabaab u cararin dhanka keymaha.

Sarkaalkan ayaa sheegaya in marka laga tago baabuurta la gubay aaney dhacdadani sababin wax dhimasho iyo dhaawac ah.

Kooxda weerarka qaadday ayuu taliyaha booliska ee Lamu sheegay iney damacsanaayeen iney weeraraan xarun boolis oo ka ag dhoweyd wadada uu dayactirku ka socdo ee Lamu-Garsen.

Al-Shabaab ayaan weli sheegan weerarkan. Hase ahaatee, waxa ay malayshiyaadka Al-Shabaab dhowr jeer oo hore ay weeraro ka fuliyeen goobo ka tirsan gobolka xeebta ah ee Lamu ee dalka Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker