Dagaal Maalintii Labaad ka Socda Koonfurta Gobolka Sool

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta oo Salaasa ah mar kale dagaal dib uga qarxay deegaanka Dhumey oo 45km u jirta magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

 

Dagaalka ayaa ah mid u dhexeeya laba beelood oo ka wada tirsan Beesha Dhulbahante.

 

Dagaalka saaka  bilowdey ayaa daba socda kii maalintii shalay ee Isniinta halkaas dib uga qarxay, Dagaalka isniinti ayaa la sheegayaa in uu dhaliyey khasaare aad u badan waxaa ku dhintey dad aad u badan oo gaaraya 40 qof waxaana ku dhaawacmay dad badan 90 qof, oo badankood la geeyey isbitaalka Laascaanood.

 

Ma jirto cid ku dhex jirta oo isku daydey in ay dagaalka joojiso, marka laga reebo baaqyo warqado ku qoran oo la direy maaheen.

 

Labada beelood ee dirirtu u dhexeyso ayaa shidada dhextaalaa muddo dheer soo jiitameysey sanadkii 2004 ayaa heshiiskii u horeeyey la dhex-dhigey, laakiin ma noqon heshiiskaas iyo kuwii ka danbeeyey kuwo wax tara.

Oodweynenews Sool

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker