Wasaarada Horu marinta Maaliyada Somaliland oo Noqtay mid Si is kooxaysi ah Looga dhex shaqaysto

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Maaliyada Oo Magacaabay Maamule Iyo
Kuxigeenk Ugaar Ah Oo Ka Barbar Shaqaynaya Maamulkii Hore Ee Kastamka  Berbera .

Agaasimaha guud ee wasaarada Maaliyada Somaliland Maxamed Cabdi
Gurxan oo hore u ahaa maamulaha Kastamka Berbera ayaa tan iyo wakhtigii  uu xilkaasi qabtay bilaabay dagaal badheedh ah uu kula jiray maamulaha  kastamka Berbera Cabdiraxmaan Ciro oo ah maamulaha hada ee Kastamka Berbera isla markaana xilkaasi ka badelay Agaasime Gurxan .

 

Agaasimaha ayaa isku dayey dhawr jeer inuu badelo isagoo gacan dhaafaya
wasiirka Maaliyada Somaliland maamulaha kastamka Berbera balse markii
arimhaasi usocon waayeen wuxuu  samaystay ama la xidhay koox kamid ah  shaqaalaha kastamka Bebera si ay ugu soo waramaan xaalada kastamka Berbera.

Agaasimaha ayaa markii uu waayey meel uu ka dhaafo Wasiirka Maaliyada  Somaliland Dr Sacad Cali Shire waxaa uu sameeyey Shalay oo ay taarikhdu  Ahayd 8/9/2019

 

Waana  magacaabid khalkhal gelisay guud ahaanba hawlaha
kastamka iyo shaqda qaranka kadib markii uu  samaystay xafiisk ugaar ah oo  isaga hoos yimaada oo lagu magacaabo (Xafiiska Barxada Kastamka Berbera)

xafiiskan oo aan meelnaba kasoo gelin shuruucda iyo nidaamka Wasaarada
maaliyada ayaa waxaa usoo magacaabay Maamule Iyo Kuxigeenk Ka
Madaxbanaan Mamulaha guud ee kastamka Berbera Cabdiraxmaan Ismaaciil  Ciro oo ah masuulka ugu sareeya wasaarada maaliyada ee Gobolka Saaxil.

Waxaauu maamulaha Xafiiskan labaad ka barbar furmay kastamka Berbera  u magacaabay Cali Madhaafan oo kamid ahaa shaqaalaha kastamka Berbera
isla markaana ahaa shakhsiyaadka sida hoose ula shaqeeyn jiray waagii uu
ahaa Agaasimaha Maaliyadu Mamulaha kastamka Berbera ,

 

cali waxaa kamid  Yahay shakhsiyaadka ay badeecadaha tuugada ah wada xadijireen kuna Xilqarsado agaasimaha maaliyadu , magacaabista maamulahan cusub ee uu
soo samaystay Agaasimaha Guud ayey ujeedadisu tahay inuu inuu si
madaxbanaan ugu badheedho xatooyada xoolaha qaranka ee ka baxa
baraxada kastamka Berbera si uu uga xilqarasado maamulka hada ee
Kastamka Berbera .

Waxaa kuxigeenka xafiiskan labaad ee uu samaystay gaasimaha guud
Umagacaabay Cabdiqani Khayre oo kamid ah shaqaalaha Kastamka Berbera .
Xilalkan aan munaasibka ee uu magacaabay agaasimaha guud iyo xafiiskan
cusub ayaa noqonaya dariiq kaliya ee lagu xadi karo badeecadah xad dhaafka
ah ee ka baxa baraxada Dekeda Berbera taasi oo walaac xoogan gelisay
maamulka iyo shaqaalaha kastamka Berbera oo ilaa hada layaaban
waxybaaha ay qaban doonaan maadama uu xafiis gaar ah usamaystay
agaasimaha guud ee wasaarada maaliyadu guud ahaanba shaqdii ay qaban
jiray dhaman shaqadii guud kastamka Berbera gaar ahaana waaxada Barxada


oo ah ta kaliya ee ay shaqda ugu badani kasocoto .
Agaasime Gurxan oo hore u ahaa maamulaha kastamka Berbera ayaa
wakhtigan cadaystay cadaawada iyo ciil uu uqabo guud ahaanba shaqaalaha
iyo maamulka kastamka Berbera oo tan iyo wakhtigii xilkiisa ku taami jiray sidii
uu maruun ula wareegi lahaa waaxyaha rarista iyo baadhista kastaamka
Berbera, taasi horseed unoqonaysa inay guud ahaanba shaqda qaranka ee
kastamka Berbera hoos udhacdo ama istaagto.

 

 

Talaaban uu qaaday agaasimaha guud ee maaliayada ayaa umuuqta ka
aarsiga shakhsiyadeed oo cawaaqib xun iyo curyaamin ku rida dakhliga guud
ee Kastamka Berbera oo ah ka ugu muhiimsan ee dalka .
Ganacstada iyo hawlwadeenada dekeda Berbera ayaa ka walaacsan xafiiskan
gaarka ah ee uu samaystay agaasimaha guud ee wasaarada maaliyadu
waxayna ilaa hada ismaydiinayaa waxybaaha uu qaban doono maamulaha
guud ee kastamka Berbera maadama kastamka iyo shaqaalahba laga
maamuli doono caasimada Hargaysa .
Agaasime gurxan oo dadku uyaqaaneen nin afgaaban oo aamin ah ayaa ahaa
shakhsigii ugu xumaa ee soo mara kastamka iyo guud ahaanba wasarada
maaliayada waxayna shaqaalaha maaliyadu uyqanaan ciilqabe qaran .
Gurxan waxaa kamid yahay shakhsiyaadka qalin miskiinka ku xaday qaranka
waxaynu ka samaystay hanta xoogle oo uu ilaa hada qariyo waxaa kamid ah
labo fooq oo waawayn oo ku dhistay xaafada siinay ee Hargaysa iyo sidoo
kale meherado aad ubadan oo ka samaytay magaalada Hargaysa .
Gurxan oo kamid ahaa macalimiinta dugsiyada sare ee Hargaysa waxaa imika
kamid yahay shakhsiyaadka ugu hantida badan guu ahaanba Somaliland
waxaa lagu yaqaana degnaan iyo talaabo gaabni aan lagu dareemin
xatooyada xoolaha umada oo ah ta kaliya ee uu ka tijaaray .
Waxaa kale jirta shirkado ganacsi oo uu leeyahay oo layidhaa Gurxan Trading
ltd Company iyo sidoo kale guryo aad utiro badan uu ka dhistay xoolaha
umada oo kuyaala xaafada kilidhaka ee Harg

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker