Ha is casilo Wasiir Sacad by Amir Bidde

Waxa la yaab leh indho adkaanta iyo isbeeninta cad ee wasiir Sacad. Iyadoo la hayo ooy weli saxaafadda ku jirto markuu xildhibaan Buubaa sheegayay 80ka milyan ee wasiir Sacadna agtaagnaa ayuu maanta haddana yidhi: waxba kama jiraan 80ka, kamaanaan wada hadal xildhibaanada. Cajiib, haddayna wax ka jirin soo markaa saxaafadda horteeda kamuu beeniyeen. Ugu yaraan soo sunnayaashiisu cirka may tageen oo wajigiisa lagama dareemeen diidmada hadalka xildhibaanka. Sowkii  madaxaa haa-lulaayay ee erayana ku xaqiijiyey hadalkii xildhibaanka ee yidhi ku celin maayo waxaanu ka wada hadallay oo waaka xildhibaanku innoo sheegay, waana aanu iska afgarannay. Hadalkaa ma qirasho ka wayn baa jirta!!
Arrintu dhawr maalmood ayaa laga hadlayay oo cid walba wax ka tidhi, oo wasiirkii hore ee Maaliyadda marwo Samsam beenisay inay dayn ku wareejisay dawladdii cusbayd. Waxay sheegtay inay isaga telefoon kula hadashay oo tidhi waa maxay siddeetanku? Ooy tidhi wuxuu igu yidhi waxba dayn nugamaad wareejin. Markaa muxuu uga hadli waayay saxaafadda? Oo siday Samsam arrintu u gubtay, isaga ugu xanuujin wayday?
 Intaasoo dhan xukuumadda hadal kama soo bixin, waxa meesha ka cad in lacagtu maqan tahay, lagana tashanayay wixii macquul u eeg ee lagu jawaabi lahaa. Waxa kaloo meesha ka cad in lacagtani sifo sharci darro ah ku maqan tahay. Haddii kale dee lalama gabbadeen wax sharci ah oo danta guud awgeed loo amaahday.
Madaxda xisbiyada mucaaridku way ka hadleen iyagoo dalbanaya in dawladdu sifaha lacagtaasi ku baxday soo caddayso. Hadalkii ugu xigmada badnaa waxa yidhi aqoonyahan Jamaal Xuseen oo yidhi tuugta qaarbaa intayna wax xadin yidhaa: Waxaasaa maqan! waa waxa ay rabaan inay xadaan. Ogow Jamaal waa Kulmiy, waa madaxda Kulmiye, inuu xogta ogyahaa laga yaabaa.
Wasiir Sacad maahayn maanta inuu hadalkan jilicsan ee sheeko carruureedka ah la yimaad saxaafadda. Waa inuu is casilaa! Ama la eryaa! Dee madaxwaynuhu inuu arrintan dafiro hadduu rabo ha eryo Sacad oo eeddana dusha ha ka saaro. Mise guddida baarlamaanka ayay sirtu u gudubtay? Muxuu samayn Buubaa lagu dafirye?
Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir Bidde

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker