Poland oo ciidamo dheerad ah geysay xududuudda ay la wadaagto Belarus

Poland ayaa laba kun oo askari oo dheeri ah u diraysa xadka ay la wadaagto Belarus iyadoo tirada ugu badan ee muhaajiriinta ay isku dayeen inay ka gudbaan. Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha (Maciej Wasik) ayaa sheegay in ay laba jibaarantay tirada ay codsadeen Ilaalada Xuduudaha.

Waxa uu sheegay in howlgalkan uu yahay mid lagu sugayo xasiloonida iyo joojinta qulqulka muhaajiriinta.

Poland waxay ku eedaysay Belarus inay fududaysay marinka muhaajiriinta Bariga Dhexe iyo Afrikaanka ah ee u badan Poland. Warsaw waxay sidoo kale ka walaacsan tahay joogitaanka calooshood u shaqeystayaasha Wagner oo yimid Belarus bishii hore.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker