Darawalkii Shanaad ee Somali ah , oo Carriga Ingiriiska Ugu Geeriyooda Xanuunka Covid 19

Mid kamid ah Darawalada Soomaalida ah ee ka Shaqeeya Magaalada London ee wadanka Ingiriiska ayaa u geeriyoodey Cudurka Coronavirus oo dalkaasi dad badan ugu geeriyoodeen.

 

Muwaadinkan Soomaaliga ah ayaa Lagu Magacaabi jirey Nadiir Nuur,isaga oo ahaa 48 sano jir muddo badanna  kamid ahaa Darawalada Basaska magaalada London gaar ahaan No 394 busteejada Hackney.

 

 

Sida ay qortey Warbaahinta dalka Britain Nadiir ayaa ahaa Aabe ka tegay xaas iyo saddex caruur ah oo ay ugu yar tahay Sahra oo ah 10 Bilood jir ah,isla markaana muddo badan uu ka Shaqeynayay Gudaha dalkaas.

 

Xaaska Marxuumka geeriyoodey oo lagu Magacaabo Bishaaro Maye ayaa sheegtay in goorhore uu iska dareemay Astaamaha Cudurka Coronavirus,isla markaana uu ahaa geesi la Shaqeynayay Hay’adaha Caafimaadka ee Magaalada london.

 

Marxuum Nadiir ayaa  Noqdey darawalkii Shanaad ee Soomaali ah  Ee Xanuuka Coronavirus Ugu Geeriyooday  Magaalada london ee dalka Ingiriiska

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker