Madaxwaynaha Falastiin Oo Golahiisa Xukuumada Usoo Bandhigay Qorshe Sir ah Oo Lagu Dhaxal-wareejinaayo Dalkiisa

Madaxwaynaha Falastiin Maxamaud Cabaas ayaa golihiisa xukuumada si sir ah ugu gudbiyay qorshe nabadeed uu Maraykanku soo hordhigay.

Maxamaud Cabaas ayaa la kulmay kooxda nabadaynta bariga dhexe oo Sacuudiga iyo Wadamada Masar Iyo Jordan xidhiidh toos ah ula leh oo dalka Maraykanka ah.

Kooxdani Maraykanka ah oo uu maamulo Yuhuudiga uu sodoga u yahay Madaxwayne Trump ahna lataliyihiisa amaanka Jared Kushner ayaa Maxamud Cabaas kawargaliyay qorshe hab faederal ah loogu darayo Falastiniyiinta Dalka Jordan Federal Falastine iyo  Jordan ayaa lagu sheegay qorshe loogu soo afjarayo Falastiniyiinta oo raadinaya dal u gaara.

Maxamud Cabaas ayaa farta ku fiiqay in wadamo Carab ahi si toosa ulasoo safteen Yuhuuda iyo Maraykanka xaqoogana ku badasheen dano u gaar ah.

Cabaas ma magacaabin dalalka ay yihiin wadamadaasi carabtu balse waxa la fahansan yahay wadamada Emaratka,Masar,Jordan Iyo Sacuudiga oo isbadal wayn oo xulafaysi ahi kala dhexeeyo Telaviv.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker