DARIIQADA SHEEKH IYO LO’DA AY DHAQATO DHAAXAAN DHAY IYO KARUUR KA DHAMAY LABADA GOOROODBA

Dariiqada sheikh waxaa la yidhaahdaa akhwaanka waa dad walaalo ah isku xidhan meel ay joogaanba iskana war haya waana illahay mahadii waxaa ay dhaqdaan Lo’da oo dhib iyo dheefba kala mid ah xoolaha aynu dhaqano waxaan hadaba doonayey bal in aan wax yar ka I dhaahdo Lo’dii la dhaqan jiray anigoo waqti aad u dheer soo moogaa qure joogna ahaa degeladii iyo meelihii xili barwaaqeedkaloo xer geyn jirayna aan asxaabtaydii xasuusiyo
Galkaa saban sabdho iyo waxaan goofka ka waraaabsho
Gooray habeen tahay waxaan waabaa guudka uGu qaado
Ruqaheeda waataan wax badan daba Galuubnaaye
Gawraha habeenimo waxaaan goshaa orod ku gawsiiyo
Goortuu cirkuba hooro waxaan gubanka kuu hooyo
Halka cadayga laga soo guriyo qoton dabo iyo laaso
Garboraaro iyo wadaabo kolkay degmadu gedi ku ahaatay
Wax dhaaxaan diraac barwaaqadeed geediyaal raraye
Dhaaxay kabaha guudkaa sare gaadhku ka idlaaday
Dhaaxaan jadeenyaale iyo u raray buurta xansasaale
Dhaaxaan degelkii dhumucyare daafta uGu waabay
Dhaaxaan dhay iyo dhanaan ka lisay labada gooroodba
Dhaaxaan joog ciir meliyan suuqa caano uGu diiqay
Dheregii waa hore rabbow markale degelka noogu soo celi.
abdirazak yassin maxaed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker