Dhagasyo:Wararkii ugu Dambeeyay ee Sacuudiga oo Xabsiga Dhigay Amiiro ka Tirsan Boqorytooyada

 

 

Maamulka Boqortooyada Saudi Arabia ayaa xabsiga dhigay saddex amiir oo ka tirsan qoyska boqortooyada dalkaasi, taasi oo caalamad u ah xoojinta awoodda dhaxal sugaha dalkaasi.

 

 

Saddexda Amiir ee la xidhay ayaa kala ah Axmed Bin Abdulcasiis oo ah Boqor Salmaan walaalkiis, dhaxalsugihii hore ee boqortooyada ahaana wasiirkii arrimaha gudaha Maxaxmed bin Nayef, iyo amiir Nawaf bin Nayef.

 

Sida ay tibaaxayaan wararka la xiriira xarrigan, ugu yaraan laba ka mid ah saddexda nin ee la xiray ayaa lagu eedeeyey khiyaano qaran

 

Saraakiisha Sucuudiga ayaanse wax war ah ka soo saarin xadhigan.

Warbaahinta ayaa ku waramaysa in dhaxal Sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salman oo ah wiil uu dhalay boqorka Sacuudiga uu amray xarriga mas’uuliyiintan.

 

Dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa si weyn loo aaminsan yahay inuu mas’uul ka ahaa sidii arxandarada ahayd ee loo dilay wariye Jamal Khashiggi oo lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudigu ku leeyahay dalka Turkey.

 

Sidoo kale, waxaa uu ka danbeeyey xarigga boqolaal qof oo ka tirsan qoyska reer boqor, ganacsato iyo wasiiro sanadkii 2017-kii lagu xiray hotelka Ritz Carlton ee ku yaalla magaalada Riyadh ee caasimadda dalkaasi.

Haddaba wararka ay warbaahinta xadhigan ka qortay waxaa inoo soo koobaya Maxamed Bashiir Cabdiraxman

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker