Magaalada Oodweyne Oo La Ciir-ciiraysa Saxmada Qurbajoog iyo Ganacsato Degsiimadeeda Ku Soo Hayaamay+Waxyaabaha Sababay Waqtigan

Magaalo Madaxda Gobolka Daad-madheedh ee Oodweyne ayaa todobaadyadii ugu danbeeyey la ciir-ciiraysa Saxmada Qurbajoog iyo Ganacsato kasoo kala kicitimay Gobolada dalka iyo daafa caalamka oo kala horhor sanaaya Goobaha muhiimka ah ee Magaaladaasi Oodweyne oo ay ka samaysanayaan goobo ganacsi, Hudheelo iyo Guryo Casri ah.

Dhaq-dhaqaaqan Ganacsi iyo Degsiimo ee wakhtigan ka bilaabmay Magaalo Madaxda Gobolka Daad-madheedh ee Oodweyne ayaa waxa uu salka ku hayaa, mashaariic horumarineed oo mugle oo deegaanka laga hirgaliyey iyo sidoo kale Shirkadihii baadhista iyo Sahaminta Shiidaalka oo dhawaan si rasmiya la filaayo inay usoo degaan magaalada Oodweyne taasi oo sida qorshuhu yahay sida ugu dhakhsaha badan uga bilaabi-doona hawlahooda shidaal baadhista iyo sahaminta oo hada gaba-gabo ku dhow isla markaasina laga sugaayo inay shiidaalkii dibada usoo saaraan.

Qurbajooga iyo Ganacsatadan hada ku sugan Magaalo Madaxda Gobolka Daad-madheedh ee Oodweyne ayaa maalmihii ugu danbeeyey si weyn kor ugu qaaday qiimaha  Dhulka banaan iyo Goobaha muhiimka ah ee magaalada Oodweyne iyadoo isla markaasina saxmad aad u badan laga dareemaya Xafiiska Dhul-bixinta ee Dawlada hoose ee Oodweyne oo todobaadyadii ugu danbeeyey kala horaysay Qurbajooga iyo Ganacsatada Goobaha Ganacsi iyo mashaariicda horumarineed ka hirgalinaaya magaalada.

Mashaariic mugle oo iskugu jira in ka badan 5 Hotel Hurdo, Goobo Ganacsi iyo mashaariic kale oo muhiima ayaa hada dhismahoodu ka socdaa magaalada Oodweyne, iyadoo kuwa kale oo badana loo diyaariyey goobihii laga hirgalin lahaa dhakhsana loo bilaabi doono

In ka badan 4 Shirkadood oo waa weyn oo baadhista iyo Sahaminta Shiidaalka ah ayaa todobaadyada soo socda kusoo waajahan Magaalo Madaxda Gobolka Daad-madheedh ee Oodweyne, kuwaasi oo si weyn kor ugu sii qaadi doona horumarka istaadhmay ee Gobolkan Daad-madheedh

Maayarka Degmada Oodweyne Md. Cabdixakiin Nuur Muuse oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu si weyn usoo dhaweeyey cid kasta oo mashaariic horumarineed iyo Goobo Ganacsi ka furanaysa Gobolka gaar ahaan magaalo madaxda Oodweyne, isagoo sidoo kale ugu bushaareeyey inay ka maamul ahaan sida ugu haboon uga gacan-siin doonaan Bixinta dhulka iyo fududaynta hawl kasta oo kaga xidhanta maamul ahaan.

Isku soo wada duuboo dhaqdhaqaaqan Ganacsi iyo degsiimo ee ka bilaabay Magaalo Madaxda Gobolka Daad-madheedh ee Oodweyne ayaa noqonaya kii ugu weynaa uguna saamaynta badnaa ee abid ka bilaabma Gobolkan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker