Nin Magaalada Jigjiga Lagu Maxkamadeeyey Kadib Markii uu sheegay inuu Gaadhi Jiidhsiiyey JIN

Waxaa jirta sheeko layaab leh oo ka dhacday magaalada Jigjiga, halkaas oo nin darawal ah uu sheegay in uu jiiray gabar ka dibna la waayey qofkii uu jiiray raq iyo ruuxba.

Ninkii darawalka ahaa ayaa xabsi la dhigay ka dib markii uu qirtay inuu qof waddada ku jiiray.

Hase ahaatee garsooreyaashii maxkamadda ayaa dhageystay dalab uga yimid ninka reerkiisa oo ahaa waxa la jiidhay in uusan bani’aadan ahayn ee uu ahaa jin.

arrintaas ayaana horseedday in ninkii darawalka ahaa xabsiga laga siidaayo.

Garsoore Cabdulqaadi Maxamed Axmed oo ka talo bixiyey in la sii daayo ninkaasi darawalka ayaa sheegay in kiisku uu ahaa mid layaab leh isla markaana uu ku taliyay in ninka dareewalka ah la iska fasaxo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker