Ethiopia: Mudaharaado Ay Qoomiyada Wolayta Ku Dalbanayso Madax-banaani Oo Ka Dhacay Dalkaasi

Komanaan ka tirsan qoomiyada Wolayta oo ka tirsan Shucuubta koonfureed ee Ethiopia ayaa dhigay isku-soobax ay ku dalbanayaan Ismaamul gaar ah iyo in ay kaga madax banaanaadaan Shucuubta koonfureed ee ay hada ka tirsan yihiin.

 

Mudaharaadadan Madaxbanaanida lagu doonayo ayaa sii Xoogaysanaya, waxana maalmihii ina dhaafay ku Soo biiray dad badan oo ah kuwa Xuquuqda u dhaqdhaqaaqa, dad waayeel ah iyo wadayaasha Kudhi-kudhida, kuwaas oo dalbanayay in Afti laga qaado qoomiyada Wolayta.

 

 

Mudaharaadadan ayaa waxa ay imanayaan dhawr todobaad kadib markii qoomiyada Sidama oo iyaduna ka tirsanayd Shucuubta Koonfureed laga qaaday afti u ogolaanaysa inay ismaamul u gaar ah dhistaan.

 

Qoomiyadan Wolayta ayaa tirade dadkeeda lagu qiyaasa 3 milyan oo kaliya, waxana ay noqonayaan qoomiyada 6aad ee ugu badan Ethiopia.

Marka laga yimaad qoomiyadan Wolayta waxa jira todoba qoomiyadood oo kale oo ka tirsan Ethiopia oo dalbaday in laga qaado afti ay ismaamul ku samaytaan, waxana xusid mudan in dalabyadan madaxbanaanidu ay ku soo beegmayaan waqti ay Ethiopia isku diyaarinayso inay ka qabsoonto dooroshooyin dimuquraadi ah.

 

Tan iyo sanadkii 1990-kii Ethiopia ayaa waxa ka jiray 9 ismaamul, wxana aftidii bishiii hore laga qaaday Sidama ay ka dhigaysaa qoomiyadaas inay dalkaas ka jiraan 10 Ismaamul goboleed.

Si kastaba ha ahaatee, dareenkan ay qoomiyaduhu qabaan ee isa-sootaraya ayaa ah tijaabo kale oo uu marayo Dr. Abiy Axmed, oo dhawaan ku guulaytay bilada Nobal ee nabada aduunka, iskuna diyaarinaya inuu hogaanka u qabto dal ay qoomiyadihiisu kala duwan yihiin, mudo dheerna ay ahaayeen kuwo qori caaradii lagu maamuli jiray, maantan uu ogolaaday inuu nidaam furfuran ku dhaqo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker