Faallo: Waa Xiligii Soomaaliya ka Naasnaasin Lahayd Gardarada ayu ku hayso Somaliland

Ciidammada dawladda caga-jiidka ah ee Soomaaliya ee gardarada ku soo galay soohdinta Somaliland waxay Salaasadii dhadhamiyeen dacarta  midhaha weerarkooda gardarada ahaa , waxaanay dhirbaaxo kala kulmeen soo majeesteyaasha ciidammada qaranka ee ku  sugan jiida hore ee degaanka Tuka-raq ee gobolka Sool.

 

 

Inkastoo  Soomaaliya ay shalay saddex jiho ka soo wareerareen ciidammada qaranka haddana waxay ka naasnaasiyeen jabkii ay kala kulmeen, waxaana ciidanka qaranku ay ka furteen gaadiid iyo saanad millatari, iyadoo habqanka ciidankii weerarka soo duulay   fadalkoodii  afka saaray  duleedka Garoowe.

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu munaasibadii sannad guuradii 27-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland ee 18ka May uu ka iclaamiyey in Somaliland haatan  go’aansatay inay cashar adag u dhigto maleeshiyada Soomaaliya  oo uu xusay inay 25 jeer si gardaro ah u soo weerareen ama u soo daan-daansadeen Somaliland sagaashankii maalmood ee la soo dhaafay.

 

 

Somaliland oo himiladeeda dhow iyo teeda fog labada ay ka mid tahay inay nabadgelyo kula naalooto jaarkeeda, haddana ma aqbalayso in taako ka mid ah soohdinteeda ay cagaha soo dhigaan cadowga Somaliland ee indhaha adagi.

 

 

Ciidammada Somaliland oo aan cidna  duulaan ku ahayni  waxay nidar ku mareen inay shaanshaan ka ridaan cid kasta oo soo hawaysata  xuduuda Somaliland. Waana taas jabka Salaasadii kaga dhacay Soomaaliya degaannadii ay ku soo duuleen.

 

 

Sidoo kale waxa shacbiga Somaliland ku diirsaday isla markaana kor u sii qaaday mooraalka ciidanka qaranka luuqadii adkayd ee madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu kaga jawaab celiyey duulaanka ciidanka dawladda aan iskeed isku maamuli Karin ee Soomaaliya oo lagu sifeeyey inuu kula hadlay luuqadii  ku habboonayd.

 

 

Sidaas darteed xukuumadda Somaliland wuu ka dhamaaday dulqaadkii ay  u lahayd  gardarooyinka joogtada noqday ee Soomaaliya laasintay oo lagu tilaamay  in hab-dhaqankeedu noqday “HASHA GEELA CUNTA EE HADDANA CABAADA.”

 

Xigasho: wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker