Xisbiyada Qarankka Somaliland Oo Ka Hadlay Tirinta Codadka Degmada Hargeysa

Masuuliyiinta saddexda xisbi qaran u qaabilsan komishanka doorashooyinka qaranka ayaa ka hadlay halka marayso tirinta codadka degmada Hargeysa iyo degmo doorashooyinka hoos yimaada.

Masuuliyiinta xisbiyada qaranka ee warbaahinta qaranka la hadlay waxa ka mid ahaa Ismaaciil Aadan Cismaan oo xisbiga WADDANI u qaabilsan komishanka doorashooyinka qaranka, gudoomiyaha degmada Hargeysa xisbiga Kulmiye ugu qaabilsan komishanka doorashooyinka Somaliland Cabdikaxkiin Bustaale iyo xoghayaha warfaafinta ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi.

Ugu dambayn masuuliyiintaas xisbiyada qaranka ee hadlay tirinta codadka degmada Hargeysi waxay sheegeen in illaa hadda komishanka doorashadooyinku ay hawsha tirinta u wadaan si haboon, isla markaana aanay jirin wax cabsho wayn ah oo carqaladayn kara habsami u socodka tirinta codadkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker