Maraykanka oo Ka Digay Weerarro Alshabaab ku qaaddo Diyaaradaha isticmaala Hawada Soomaaliya & Kenya

Dowladda Maraykanka ayaa diyaaradaha Rayidka ah ee isaga kala goosha hawada Soomaaliya iyo Kenya ugu digtay inay ka feejignaadaan weeraro kaga yimaadda kooxda mintidiinta ah ee ay ka mid tahay Alshabaab iyaga oo sheegay in ay gaysan karaan weerarro lagu qarxiyo diyaaradahaasi.
Sida lagu sheegay talo bixin ay soo saartay hay’adda duulista hawada ee dawladda Faderalka ee Maraykanka ee magaceeda loosoo gaabiyo FAA, Sabtidii 26-kii February, diyaaradaha hawada Kenya ayaa lagu wargaliyay in ay ka digtoonaadaan in ay joog hoose ku duulaan maadaama ay halis ugu jiraan in lagu weeraro hub awood u leh oo lagu duqeeyo iyaga oo cirka maraya.
Hay’addan Ameerikaanka ahi waxay sheegtay in digniintani ay ka dambeysay xog sirdoon iyo qiimeyn lagu sameeyay kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya, kuwaasoo doonaya inay billaabaan habka cusub ee weerarrada argagaxisada ah.
Maraykanku wuxuu sheegay inay Alshababab haysato hub awood u leh in ay ku garaacaan diyaaradaha joog hoose oo gaadhaya ilaa 25,000 feet, iyagoo beegsanaya marka ay duulayaan ama dagayaan.
Arrintan ayaa ku soo beegantay bil kaddib markii dhowr safaaradood oo Yurub ah ay soo saareen digniino argagaxiso oo ay uga digayaan muwaadiniintooda ku nool Kenya inay ka fogaadaan goobaha ay dadku isugu yimaadaan.
Dawladda Maraykanku may sheegin noocyada Hubka casriga ah ee ay Alshabaab u adeegsan karto weerarradan balse waxa ay qireen in ay heleen xogo sirdoon oo la xidhiidha in ay duqayn karaan diyaaradaha oo hawada socda gaar ahaan marka ay ku duulayaan joogga hoose waana arrinka ay sheegeen in uu walaaca leeyahay. Waddanka Maraykanka ayaa warbixintan uu ka soo saaray digniintan waxa uu toos ula wadaagay xukuumadaha Muqdisho iyo Nayroobi oo uu gaar ahaan uga digay weerarradaasi lagu bartilmaameedsan karo diyaaradaha rayidka ah ee isaga goosha labadan waddan waxaanu ka digay in ay waxyeelo weyn u gaysan karaan oo ay awood u leeyihiin kooxaha Alshabaab oo kale ahi in ay qaadaan weerar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker