Dagaal Xoogan oo Ka dhacy Dalka Itoobiya iyo Cida ku Dagaalantay

Dagaal aad u culus ayaa saaka waaberigii ka qarxay magaalada Gambeella ee caasimadda maamuul goboleedka Gambella ee dalka Itoobiya.

Dagaalkan oo laysu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la soo werinayaa in uu dhacay ka dib markii jabhadaha Xoraynta Gambeellada ee GLF loo yaqaan iyo ta Oromada ee OLF ay weerar kusoo qaadeen caasimadda maamulkaasi. Labada jabhadood oo is garabsanayaa ayaa la sheegayaa in ay iyagu duullaanka ku soo qaadeen caasimad goboleedka Gambeellada, halka ciidanka dawlad deegaankuna ay galeen difaac adag.

Labada dhinac ee dirirtu dhex marayso ayaa la soo werinayaa in ay dadka shacabka ah ugu baqeen in ay guryaha joogaan isla markaana aanay u soo bixin ciidanka magaalada is eryanaya. Waxaana aan maanta jirin haba yaraate wax shaqo dadweyne ah oo magaalada ka socota. Waxa jira khasaare aad u xooggan oo la soo werinayo, hayeeshe dhinacyda ayaan ilaa hadda xaqiijin baaxadda khasaaraha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker