Muuse Biixi Kobcinta Garaadka Siyaasiga ah ee Dhalinyarta “Warbaahinta”

Warbaahinta Waxay Ku Jirtaa Tiirarka Adkayn Kara Wadaniyada Iyo Midnimada Somaliland Waxay Sidoo Kale Dagi Karaan ama Lumin Karaan Garaadka Dhalinyarta

Madaxweyne Warbaahinta Xorta Ahi Waxay Doonto Ha Qorto oo Xoriyaadka Nidaamka Dimuqraadiga Inoo Baneeyay

 

Adiga Se Waxa Kuu Yaal inaad Samaysid Warbaahin Ilaalisa Wixii Lagu Heshiiyay,Qaranimada , Wada jirka , Ha’yadaha Dawladda “lama taabtaanka ah”,  Iib-gaynta Qadiyada Somaliland , U Taagan Muwaadinka Dulman, Ukala Af-Celinta Madaxweynaha Iyo Bulshada Rabitaankeeda “Shaqo kuma laha Ag/Madaxtooyadu Baahiyaha Shacabka Ku Doortay”, Muraayad aad ka Daalacato Xaqiiqada uu Ku Sugan Yahay Dalku, Ogaysiin iyo Fahansiin  Waxa  uu Madaxweynuhu Doonaayo In uu Shacabka u Sheego ..….

 

Waxaynu Leenahay Warbaahin La Jaan Qaaday Technologadda iyo Agabka Casriga oo Dhan Waxaan Se Ka Xumahay Aqoonta Saxaafadu Aad Hoosayso Dhulka Somalida oo Dhan Jahmhuuriyadda Somaliland Wey La Qabtaa, Waxaad Ka Dheehan Kartaa Warka ay Baahiso Warbaahintu Guud ahaan

 

Barnaamijka Shaqo Qaran ee Dhalinyarta Wadaniyada Lagu Barayo iyo Is Dhexgalka Bulshada Gobalada Somaliland iyo  Waxa Isku Dheef ah Warbaahin Jihaysa ama Kobcisa Garaadka iyo Aqoonta Dhalinyarta Soo Koraysa Waa Xabag Isku Hayn Karaysa Midnimada La Raadinaayo.

 

 

 

Maxamed Xoosh

shabcuuno@hotmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker