Sharciyada aan qornayn ee ay tahay inuu qofkastaa ku dhaqmo

1:Hadaad ka qayb gasho xaflad aroos ama xaflad kale, qofna ha ku qasbin inuu kula jaaso ama xaflada ka jaaso.

2:Marka uu qof telefoonkiisa gacanta ( Mobile-kiisa ) kaa tuso sawir, kaliya ku koobnow eegida sawirkaa, markaaba ha isku qaadin inaad sawirada kale eeg-eegtid ilayn waad fara dheertahaye.

3:Qofkasta ha isku dayin inaad talo siisid ( advice ) , dadka qaar ayaa u baahan inaad kaliya dhagaysatid.

4:Marka qof cunto cunayaa uu kugu casuumo bilaydhkiisa, markaaba ha wadda darsan, kaliya mar uun darso adoo raaliya.

5:Marka aad waddo cidhiidhiya marayso, qofna uu kaa horeeyo, ha isku dayin adoo maqiiqan inaad qofka meesha ku cidhiidhidid, laga yaabee inuu kaa naxo, fadlan aan ku dhaafo ku dheh, ka dibna isagaaba kuu banayn.

6:Daf ha iska odhan guryaha ama gurigiinaba, albaabka garaac intaanad guriga galin, xitaa qolka waalidkaa ha galin adoon albaabka garaacin, intaasi may ku dhibi.

7:Hadaad bas saarantahay iyo hadaad goob kale joogtaba, markasta dadka iska horaysii, waa calaamad wanaagsan oo ixtiraam muujinaysa.

8:Markaad gasho suuli la wadda isticmaalo, fadlan hadaad xisaab adag gasho ( Saxarooto ) , fadlan qofka kugu xiga ka nadiifi oo alaabtaada biyo raaci, marna ha ka nixin walaalkaaga suuliga kaaga danbeeya si aanu kuu habaarin.

9:Gabadheey, hadaad gabadh kale dhar ka soo amaanaysatid, fadlan intaad u maydho u kaawiyadee , ka dibna u celi gabadhii aad ka soo qaadatay, waa kugu ceeb amaano habeen laguu soo dhiibay inaad ku xaragootid oo aad waliba ku haasaawe tagtid .

10:Hadaad soo qaadatid dayn lacag ah, buug ah ama wax kale ahba, fadlan iska celi, waa kugu ceeb inaad qof markaad baahnayd wax ku taray, wixiisa ka meermeerisid, isku xishood walaal oo iska celi daymaha aad soo qaadatay oo dhan.

11:Markasta u mahadnaq dadka kuu shaqeeyay, sida timo jaraha, qofka cuntada kuu keena ( waiterka ) iyo qofkastoo wax kuu taraba, waad mahadsantahay yaanay kugu adkaan.

12: Haduu qof kaaga sheekeeyo xaalada uu ku jiro, ama dhibaato haysata, markaaba adna ha istaadhin oo ha la soo boodin ana way i haysataa dhibtaasi, iyo waxan iyo waxan ayaa ana igu dhacay, shib ka dheh , dhagayso qofka adoo raaliya.

13:Gaadhigan aad hoonka haysid afarta iyo labaatanka saacadood ka daa walaal, waa badawnimo gaadhi hoon la garaacaaye, waxaa hoonka loogu tala galay marka uu gaadhi kugu soo dhawyahay, ama aad xaalad halis ah la kulantid.Ka daaya hoonkan aad qiiqda uun kaga siinaysaan idinkoo raaliya.

Suldaanka Dhalinyarada Somaliland
Qof yaroo nolosha wax baddan uga bilaaban yihiin, hadaad u baahataan waynu sii wadi wacyi galintaa wanaagsan.

 

Abdifatah Sh.Nouh Jaamac “Suldaanka”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker