Guddiga Diwaangelinta Ururrada Siyaasadda Oo Xisbiga KULMIYE Ka Sugaya Jawaabta Dacwad Ka Dhan Ah

Gudida diiwaangalinta ururada siyaasada iyo ansixinta asxaabta qaranka JSL, ayaa xisbiga talada haya ee KULMIYE u soo gudbiyay dacwad ka dhan ah oo lagu soo eedeeyay taas oo ay ka dalbadeen inay ka soo jawaabaan.

 

Dacwadan waxa guddiga u gudbiyay  Prof.Cabdi Cali Jaamac oo xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ka mid ahaa, balse ka mid ahaa dhawr xubnood oo dhawaan uu xisbigu sheegay inuu ka saaray xisbigii.

 

Qoraal kooban oo gudidan diiwaangalintu soo saartay ayaa lagu sheegay in KULMIYE laga sugaayo in ay ka soo jawaabtaan dacwada laga soo gudbiyay. Qoraalka oo ku taariikhaysan 26 January, laguna socodsiiyay guddoonka xisbiga KULMIYE, oo uu ku saxeexanyahay xoghayaha guddiga diiwaangelinta iyo ansixinta axsaabta siyaasadda Cumar Xasan Maxamed, wuxuu u dhignaa sidan  “Waxa gudida diiwaangalinta ururada siyaasada iyo ansixinta asxaabta qaranka JSL soo gaadhay dacwad ka dhan ah xisbiga Kulmiye taas oo uu dacwoode ka yahay Cabdi Cali Jaamac, dacwadaas oo aanu halkan idiinku soo lifaaqnay.  Hadaba waxa laydinka sugayaa inaad dacwada ka soo jawaabtaan.”

Prof.Cabdi Cali Jaamac

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker