Shir-gudoonka cusub ee golaha wakilada Somaliland oo shir-gudoominaya fadhigoodii kobaad

Fadhigan saaka oo ayaa waxaa ka soo xadiray 61 xildhibaan ayaa waxa si rasmiya u furay guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ay magacaabi doonaan guddida dib u eegista xeer hoosaadka golaha.
Waxa uu sheegay in ka shir-guddoon ahaan ay muujin doonaan lexejeclo badan.
Waxaa uu sheegay in ka guddoomiye ahaan uu dhex u noqon doono xildhibaanada.
“Maanta laga bilaabo sidaas goluhu isy dhexgalay ayaan rajaynayaa in hawshu innoogu socoto.”
Laba xeer ayaa golaha horyaala xeerkii shidaalka iyo kii shaqaalaha.
Waxa uu mudanayaasha ka codsaday si ay mushaharkooda u xalaashadaan in ay waajibaadkooda shaqo si maalin le ah u qabsdaan, isla markaana toddoba sacadood ay socoto shaqada goluhu.
In wakhtiga la rabo in xidhibaanku shaqada soo gala ay noqoto sideeda subaxnimo.
Waxaa kale oo xusay in ay shaqayn doonaan muddo afar maalmood ah oo ka bilaabma maalinta sabtida.
Gaba-gabadii waxa uu soo jeediyay in la is cafiyo isla markaana ay qofkasta cafis kala yihiin isaga iyo asxaabtiisuba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker