Dawladda Iran Oo Tijaabisay Gantaalada Ridada Dheer iyo Diyaaradaha Aan Cidi Wadin

Iran waxay mar kaleĀ  tijaabisay gantaalo kale oo ah nooca ridada dheer, maalintii Sabtida sida ay xaqiijisay dawladdu.

Ciidamada kacaanka ayaa tijaabiyay gantaalada ridada dheer iyo diyaaradaha aan cidi wadin ee dromne-ka loo yaqaano. Kuwaas oo sida ay sheegeen lagu bartilmaameedsan karo dhul, bad, iyo cir intaba.

Masaafada ay gantaaladan cusubi jaraayaan ayaa dhan 1800km, waxaana lagu tijaabiyay goobo macmal ah, waqooyiga badweynta Hindiya.

Afhayeen u hadlay ciidamada kacaanka ayaa sheegay in tani ay jawaab u tahay kuwa raba in ay hanadaad ku sameeyaan Iran iyo biyaha ay iska leedahay. Wuxuu ku janhabay in ay burburin doonaan cid walba oo isku dayda in ay ku xadgudbaan xuduudaha dalkaas.

Tijaabooyinka Iran ayaa kusoo beegmaya xili ay taagantahay xiisadda dawladda Maraykanka iyo Iran ka dhaxaysaa.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker