“Pep Guardiola Maku Guuleysan Karo Champions League_ga. Lionel Messi La,aantiisa .

 

 

 

 

 

 

Madrid ( OWN) Hayeeyga kooxda AC Milan ee Ruud Gullit oo haatan ah falanqeeye kubadda cagta ah ayaa dhulka ku jiiday tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola kaas oo markale ku fashilmay inuu wareega siddeed dhammaadka la gaadho Citizens.

Kooxda Pep ayaa gaadhay guul aan waxba u tarin oo 4-3 ah waxaana ay Tottenham kaga soo baxday sharciga goolasha maadaama ay lugtii hore 1-0 kaga soo guuleysatay.

Gullit oo kusoo guuleystay laba koob oo Champions League ah iyo hal koob oo European Championship ah ayaa u warramay beIN Sports waxaana uu sheegay in Guardiola uusan hanan karin tartanka ugu xiisaha badan Yurub isaga oo aan haysan Lionel Messi oo uu hore tartanka ugula soo guuleystay.

Ruud Gullit oo ka faaloonaya arrimahaas ayaa yidhi “Pep kuma guulaysan karo Champions League sababtoo ah ma haysto Lionel Messi kaasina waa waxa kala duwanaanshaha samaynaya”

“Waxa uu isku dayay markii uu joogay Bayern wuuna ku dhawaaday laakiin kuma uusan gaadhin Germany, Guul maaha inaad Bundesliga kula guuleysato Bayern sababtoo ah inta ugu badan way ku guuleystaan xilli ciyaareed kasta”

Dhinaca kale Gullit ayaa ka jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeedhay Guardiola ee ahaa inuusan England u iman inuu ku guuleysto Champions League waxaana uu sheegay inay hubaal tahay in Pep ka murugooday ka hadhista CL.

“Waxaan filayaa Champions League waa waxa uu doonayo inuu ku guuleysto waanan ogahay inay qasab tahay in midani isaga ka dhigtay mid murugaysan, Waxaan u dareemayaa murugo isaga, Laakiin si aad guul u gaadho kaliya maaha inaad koox iibsato”

 

By Suxufi Sinyoore oodwaynenews office Hargaysa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker