Madaxwayne Geelaha Jabouti oo dhexdhexaadinka Bilaabay Wadamada Somalia iyo Kenya

Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti oo uu ka socdo Shir Madaxeedka Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa ka bilaawday kulamo lagu dhex-dhexaadinayo dowladaha Soomaaliya & Kenya oo uu khilaag xoogan ka dhaxeeyo.

 

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa garwadeen ka ah labada dhinac, iyada oo kulanka ay goobjoog ka yihiin Madaxweyne farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhur Kenyatta.

 

 

Madaxwwynaha Jabuuti & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa ay ku booriyeen Madaxweyne Farmaajo & Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata in khilaafkooda ay ku xaliyaan qaab wada-ahdal diblumaasiyadeed ah, isla markaana dhankooda ay qeyb kq aadan doonaan.

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka kaga hadlay kulanka ay yeesheen Madaxweynayaashha, Soomaaliya, kenya iyo Jabuuti, kaa soo uu qeyb ka ahaa, waxaana uu yidhi, Sidan

 

“ Awoodda xasilloonida gobolkeennu waxay ku saleysan tahay iskaashiga iyo horumarka. Waxaan ku faraxsanahay hadaan nahay hogaamiyeyaasha inaan miiska wada-hadalno oo aan ka wada hadalno arrimaha cakiran ee ka taagan Gobolkeenna ayuu yidhi” Abiy Axmed.

 

 

Madaxda ayaa intaasi kadib u gudbay ka qeyb-galka Shirka Madaxda IGAD oo waxyaabaha lagaga hadlayo ay kamid yihiin khilaafka u dhaxeeya dowladaja Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker