Dalwadda Sacuudi Carabiya Oo Taageeray Maraykanka, Fariina U Diray Dawladda Iran

Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Sacuudi Carabiya Caadil Al-Jubayr ayaa si adag u dhaleeceeyay weerarradii gantaalaha ee ay maalintii Arbacada ahayd Iiraan ku qaadday saldhigyo Militari oo kuyaalla dalka Ciraaq kuwaas oo  hoy u ahaa ciidamada Maraykanka.

 

Caadil Al-Jubayr, ayaa warbaahinta lahadlay isagoo kusugan magaalada Prague ee caasimadda dalka Czech Republic halkaas oo uu ku marayo booqasho diblumaasiyadeed oo joogto ah.

Mar uu ka hadlayay mawqifka Sacuudi Carabiya, wasiiru-dawladaha arrimaha dibadda ee Sacuudi wuxuu sheegay in dalwadda Sacuudi Carabiyaa taageerayso Maraykanka, xaqa uu u leeyahay inuu naftiisa difaaco, balse waxaa uu dhinacyada ugu baaqay in xaaladda gobolka la dejiyo.

 

Al-Jubayr ayaan is-illowsiin khasaaraha uu keeni karo dagaal, isagoo yidhi ‘’Waxaynu wada aaminsannahay inaynu iska dhaafno wax kasta oo xaaladda sii kicin kara’’ waxaanu xusay inay taasi dhaawac ku keenayso dhammaan xubnaha oo dhan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker