Ciidamada Janaraal Khaliifa Haftar Oo Soo Riday Dayaarad Ay Leedahay Dawlada Liibiya

Ciidammo daacad u ah Janaraal Khaliifa Haftar ayaa waxay sheegeen inay soo rideen diyaarad ay leedahay dowladda Libya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Dowladda ay  Aqoonsan Tahay  Qaramada Midoobey ee Libya waxay dhinaceeda sheegtay in diyaaradda ay ku maqneyd howlgal ay ka fulineysay koonfurta caasimadda Libya ilaa hadda wax fahfaahin ah lagama hayo shaqaalihii saarnaa diyaarada, sida ay sheegeyso AFP.

 

Waxay intaas ku dartay in diyaaradda ay lumisay xidhiidhkii balse aanana laga warheyn halka ay ku  dambeysay.

Dhinacyada ku dagaallamaya Libya ayaa saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay diyaarado kaga burbureen dagaallada socda.

Janaraal Khaliifa Xaftar oo qayb ka ahaa siyaasadda Liibiya muddo ka badan afartan sanno ayaa wuxuu noqday nin ay warbaahinta caalamka aad u hadal hayeen maalmihii lasoo dhaafay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker