Al-Shabaab oo dilay nin ay sheegeen in uu isla guursaday hooyo iyo gabadh ay dhasha

Malayshiyada Al Shabaab ayaa dishay nin da’da toddobaatameeyada ku jira oo ku sugan Koonfurta dalka Soomaaliya iyaga oo ku eedeeyay in uu isla guursaday hooyo iyo gabadh ay dhashay, sida uu ku warramay wargeyska Al Shabaab lal xiriiriyo ee Memo.

Ninkan oo 75 jir ah ayaa 27 Juunyo lagu dilay tuulada Toorotoorow ee Shabeellaha Hoose. Wuu diiday in uu hooyo iyo gabadheeda isla guursaday.

Ninka ayaa lagu eedeeyay in uu la dhuuntay gabadha oo uu guursaday iyadoo uusan maxram meherin.

Al Shabaab ayaa marar kala duwan dilay dad ay ku eedeeyeen in ay galeen dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin sino, dumar mehersan oo niman kale guursaday iyo basaasnimo.

Sagaalkii Bishii May ee sannadkii 2018 Al Shabaab ayaa dhagax ku dilay haweenay ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay niman guursatay iyadoo meher ku xiran yahay.

Tooratoorow waxay ka mid tahay tuulooyinka ay ka taliyaan ciidammada Al Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker