Xulalka Wadamada Somalia iyo Uganda oo ku Kulmaya Dalka Jabouti

Xulalka Soomaaliya iyo Uganda ayaa maanta waxa ay isaga horimaan doonaan garoonka Al Haji Hussein Guled Stadium ee magaalada Jabuuti lugta hore ee isreebreebka koobka CHAN 2020.

Ciyaartan ayaa marti loo yahay xulka Soomaaliya laakiin waxa ay ka dhaceysaa Jabuuti iyadoo kulanka lugta labaad ey ka dhici doonto garoonka StarTimes Stadium ee dalka Uganda 3da bisha Agoosto.

Ciyaartu waxa ay bilaaban doontaa saacada geeska Afrika marka ay tahay 6pm.

Xulka Soomaaliya ayaa kulankan isagu diyaariyay kulan saaxiibtinimo oo ay 22kii bishaan July la ciyaareen xulka Jabuuti, laakiin guuldarro 1-0 ay ka soo gaadhtay xulka Jabuuti.

Kulanka waxaa garsoore ka noqon doona garsoore u dhashay dalka  Itoobiya Belay Tadesse.

Haddii Soomaaliya ay ka soo gudubto Uganda labada lug ee la ciyaarayo, waxa ay u soo gudbin doontaa wareega labaad ee isreebreebka.

Koobka CHAN waa mid loogu talo galay inay ciyaaraan xulalka Afrika balse sharuuda ay tahay inay xulalka u dheelaan ciyaartoyda ka ciyaarta horyaalada wadamada ka qeyb galaya oo looma ogola ciyaartoyda ka ciyaarta meel ka baxsan dalkaas.

 

Tartanka waxaa sannadka 2020 lagu qaban doonaa dalka Cameroon, waxaa markii hore la siiyay inay martigeliyaan Itoobiya laakiin xiriirka kubada cagta Afrika ayaa u arkay inaysan diyaar u aheyn martigelinta Koobka.

Xulka Morocco ayaa difaacanaya koobkaan iyadoo tartanka uu dhici doono inta u dhaxeysa Bilaha Jannuary iyo February  2020.

Somalia flag with Uganda flag, 3D rendering

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker