Xukuumada Somaliland oo Reer Awdal ka Xog xodanaya inay Doorashada Wakiilada ku Galaan 13 kii Kursi ee Hore iyo Abdirahmaan Saylici oo Safar Ugu sii jeeda

Wararka naga soo gaadhaya Boorama ayaa sheegaya in galabta uu soo gaadhi Doono magaalada Boorama wafdi uu hogaaminayo madaxwayne kuxigeenka Somaliland Eng  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici,

Inkastoo aanay Jirin Cid Si Rasmi ah u Xaqiijisay hadana Ilo wareeyo u Dhuun daloola Dhinaca Madaxwayne Xigeenka Saylici ayaa iftiimiyay Safarkan

Waxaana Waftigan Horkacaya Madaxwayne Xigeenka Saylici iyo  siyaasiyiinta Reer awdal ku matala Somaliland, kaas oo la saadaalinayo in uu magaalada ku dusnaan doono mudo dhawr dhawr cisho ah.

Safarka madaxwayne Saylici ayaa la sheegay inuu salka ku hayo armimo la xidhiidha doorashooynka soo socda iyo tabashooyinkii bulshada ku dhaqan gobolka Awdal ee dhinaca saamiqaybsiga kuraasta baarlamaanka.

Waxaana la sheegay inay la socdaan sidii Reer Awdal looga qancin lahaa tabashadii saami qaybsiga baarlamaanka islamarkaasina ay doorashada ugu galaan sii hore ee 13ka xildhibaan.

 

Taasina waxay dulmi ku Tahay Busho waynta Reer Awdal iyo Salel oo Marka Hore-ba Uu Daashaday Dulmiga Xaga Saami-qaysiga Kuraasta Baarlamaanka ee Somaliland ka dib Markii La Marsiiyay Qaacido aan Cadaalad ahayn, taasoo ahayd 13 kursi oo ka mida 82 mudane ee Golaha Wakiilada Somaliland

 

By Suxufi Sinyoore Hargaysa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker