Itoobiya iyo Djibouti oo furay tareen isku xiraya labada waddan

 

 

 

 

Taareenkii ugu horreeyay ee koronto ku shaqeynaya ee qaaradda Afrika ayaa waxaa uu ku ordi doonaa xawaare gaaraya 120 KM saacaddii, isagoo waqtigii safarka ee labada caasimadood dhexdooda ka dhigaya wax ka yar maalin nuskeed.

Waxay markii hore alaabooyinka ku qaadan jirtay muddo saddex maalmood ah waddada baabuurta dhulka u dhexeeya dekedda Djibouti ilaa caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Maalgalinta mashruucani waxay inta badan ka timid Bangiga wax Dhoofinta iyo soo Dejinta ee waddanka Shiinaha, oo isagu sidoo kale aad ugu lug leh mashaariic kale ee kaabayaasha dhaqaalaha dalka Itoobiya.

Iyagoo ka hadlayay munaasabadda furitaanka, hoggaamiyeyaal ka kala socda labada dal ee Itoobiya iyo Djibouti waxay sheegeen in jidka cusub ee tareenku uu sii xoojin doono xiriirka ganacsiga ee ka dhaxeeya.

Itoobiya waxay haatan wax kala soo degtaa kana dhoofsataa ku dhowaad 90% alaabooyinkeeda dekedda dalka Djibouti.

Tareenka Itoobiya iyo DjiboutiTareenka ayaa dhimi doona waqtiga la isaga socdo labada waddan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker