Shil diyaaradeed oo ka dhacay Brazil oo dad ku dhinteen

14 qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Amazon ee dalka Brazil xilli cimilo xumo ay jireen Sabtidii.

Diyaaradan yar ayaa waxa ay ku dhoweyd dhamaadka safar 400km ah oo ah inta u dhaxeysa magaalada Manaus ee xarunta gobolka Amazonas iyo magaalada kaymaha fog ee Barcelos ka hor inta aysan burburin.

Saraakiisha ayaa sheegay in dhammaan dadkii saarna oo kala ah 12 rakaab ah iyo labo shaqaale ah ay ku dhinteen shilkaasi.

Waxaa la bilaabay baaritaan lagu ogaanayo waxa sababay shilkan.

Xoghayaha amniga ee gobolka Amazonas Vinicius Almeida ayaa sheegay in xogta hordhaca ah ay muujinayso in diyaaradda ay burburtay ka dib markii ay ka dhamaatay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan markii ay ku soo degtay magaalada Barcelos xilli roobaad daran uu da’ayay wax aragana uu aad yaraa.

Shabakadda wararka ee Brazil ee G1 ayaa ku warrantay in diyaaradda ay ahayd EMB-110, turboprop-ka mataanaha ah ee ay samaysay shirkadda diyaaradaha ee Brazil ee Embraer.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker