TAARIIKH DIGAYSAA SOMALILAND DULJOOGTA. SHAN BRIDGE BAA HORYAALA IYANA WAY ISKA HURUDDAA.
Isku darsigii Somaliland iyo Somalia ee dhashay Somali Republic tii ku burburtay gacantii Keligii taliyihii Mohamed Siyad Barre waxaa ka dambeeyey burbur kale oo is daba jooga oo somalidii gobolo iyo reero usii kala googoday oo meel weliba Madaxweyne baanu samaysannay ay tidhi laakiin maamul walba shisheeye iyo wadamada jaarka ah ayaa ciidamadoodii soo geliyey hagaamadoodiina u carrab laalaadiyey inay meesha ku hayaan wata abuurtay in wadamada jaarka at biliqaysataan bad iyo berri iyo Dekedoba arintaasi way socotaa inkastoo Xukuumadda ferderal ka ah ee Mogadisho ka dhisnayd at guulo badan ka soo hoysay xagga Siyaasada Debedda iyo xagga dhiska Ciidanka qarankooda Mogadisho, xagga Hawada Somalia. MEESHA waxaynu ognay oo caalamka ogyey in laba wadan oo isku darsaday Sameeyeen Somali weyntii burburtay waxan kaloo dhan ee maamulo ahi waa qabiilo gobolkoodii is maamul ka samaystay laakiin marka Xukuumadda Federalka ah ay Caalamku la saftaan way burburayaan maxaa yeelay caalamku ma rabo mar dambe marin biyoodka banda cas iyo Indian Oceanka in budhcad badeed ku soo laabato. Hadaba wadankan la yidhaa SOMALILAND ee 1960 kii ay israaceen Somalia waxaa horyaalla shan BRIDGE oo ay u baahan yihiin inay (Study) gareeyaan, fahmaan u midoobaan. Shantaa BRIDGE waan sheegi doonnaa laakiin waxaa mudan in la Xuso in seddexdii Madaxweyne ee Silaanyo ka horeeyey in ay BRIDGE kii u horeeyey ka gudbiyeen wadanka oo ay afarta BRIDGE ee kale isa soo hartaageen oo ay wadanka meel wacan soo gaadhsiiyeen laakiin Xukuumaddii Kulmiye ee SILAANYO hogaaminayey waxay wadankii dib ugu celiyeen BRIDGE kii Ay Xukuumadii hore wadanka ka soo gudbiyeen ahaa in wadanka la isku hayo, in ciidamo midaysan iyo gobolo midaysan iyo doorashooyin xora iyo saaxiibo debedda ah iyo nabad gelyo taama soo gaadhsiiyeen ayaa siyaasaddii Silaanyo ee Kulmiye waxay isku mashquulisay oo awoodda saartay wax cusub oo dadka iyo goboladu ku kala soocmayaan oo dhaqaalihii wadanka ayey structure cusub oo dadka kala soocaya u samaysay oo ay u bixisay wax dhegaan la yidhaa maalqabeennaan abuurayaa figrad hunguri ah laakiin aan horuumar waxba ka taraynin u badan oo ay u badantay waxa laga sheegay sandaroor SANDAROORO AH DADKA QAAR AQALO LA DHISTOO YAR YAR IYO JAGOOYIN DAYR LAGU WAREEJIYEY dayrar AAN DHAAFSIISNAYN kano go’an Caafimaadkii wadanka, tacliintii caruurta,shaqo abuurkii iyo wadooyinkii loo baahnaa.